Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Mahdi Guuleed oo tababar u furay guddiyo lagu muransan yahay

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ayaa kula dardaarmay shaqooyinka horyaalla in ay si daacada u gutaan.

Tababarkan oo soconaya muddo afar maalmood ah ayaa lagu baranayaa nidaamka maamulka doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, taasoo ay bixinayaan khubaro aqoon u leh arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in sababta bulshada qeybaheeda kala duwan looga soo xushay xubnahan ay tahay aqoon iyo waayo aragnimo lagu tuhmayo, isla markaana ay si daah furan uga shaqeeyaan in doorashooyinku ku dhacaan.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa tilmaamay in guddiyadan ay ku yimaadeen heshiis ay gaareen Maamullada iyo Dowladda dhexe, isla markaana labada gole ansixiyeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadduna ku soo saaray faafinta rasmiga ah.

Guddiyadan loo furay tababarka ayaa weli waxaa ka taagan muran ka dib markii ay diideen musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha oo sheegay in guddiyadan aysan dhexdhexaad noqon karin,  laguna soo daray saraakiil ka tirsan NISA iyo xubno taageersan Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo Weeraro Qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhigyo ciidan

Cabdi Cade

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay go’aankii uu qaatay Madaxweyne William Ruto

Cabdi Cade

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada oo aqbalay codsi ka yimid Qoor-qoor

Caydiid Ali
Taboola Ads ---