Al Shabaab oo Weeraro Qaraxyo ku bilowday ku qaaday Saldhigyo ciidan

Kooxda Al Shabaab ayaa saakay aroor hore weeraro ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhigyo ciidanka milatariga Soomaaliya ku leeyihiin degmada Owdheegle iyo deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida aan wararka ku heleyno Al Shabaab ayaa weerarada ku bilowday qaraxyo gaadiid laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay saldhigyada ciidamada , waxaana qaraxyada kadib xigay weerar toos ah oo Al Shabaab ku qaadeen saldhigyada.

Dagaal xoogan oo socday ku dhawaad saacad ayaa ka dhacay xeryaha ciidanka milatariga ku leeyihiin Owdhiigle iyo Bariire, dagaalka ayaana markii dambe si iskiis ah u istaagay, iyadoona wali xiisad ka jirto saldhigyada la weeraray.

Waxaa jira khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray, mana jiro ilaa hada cid si rasmi ah u shaacisay khasaaraha ka dhashay weerarkan saakay Al Shabaab ku qaadeen saldhigayada ciidan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -