Nin loo heystay kufsi & dil loo geystay Ugbaad Cali Dhaban-loox oo xukun adag lagu riday

Maxkamadda Gobolka Togdheer ee maamulka Somaliland ayaa xukun ku riday Nin lagu eedeeyay inuu kufsi iyo dil Magaalada Burco ugu geystay Haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka.

Marxuumad Ugbaad Cali Dhaban-loox ayaa lagu dilay dhowaan magaalada Burco ka dib markii la kufsaday, waxaana laamaha amniga ay gacanta ku dhigeen nin lagu eedeeyey falkaas.

Maxkamadda Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa eedeysanaha ku riday xukun dil toogasho ah, markii la horkeenay caddeymo iyo markhaatiyo muujinayo inuu falkaas geystay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa horey u balan-qaaday in si deg deg ah loo fulin doono Go’aanka ay Maxkamadda ka gaarto kiiska Marxuumad Ugbaad Cali Dhaban-loox, iyadoo dilka iyo kufsiga lagula kacay marxuumada uu caro badan ka dhaliyey magaalada Burco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -