Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirkii u socday Musharaxiinta xilka Madaxweynaha oo Maalintii labaad galay

Waxaa maalintii labaad gelay shirka wada-tashiga ee midowga musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta maalinkii labaad uu shirkoodu gelayo ayaa kala ah Xasan Cali Kheyre, Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabduqaadir Cosoble Cali, Daahir Maxamuud Geelle, Musstaf Sheekh Cali Dhuxulow, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno kale,

Inta badan shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka iyo dib ugu laabashada hanaanka loo maray guddiyada ay dowladdu u magacowday inay maamulaan doorashada.

Musharaxiintan ayaa gadoodka ugu badan ka qaba in guddiyada magacaaban ay maamulaan doorashada dalka, iyagoo aaminsan in aysan doorashadu noqonayn mid xor ah iyo xalaal ah, maadaama sida ay sheegeen xubnaha guddiyadaas ay yihiin kuwo laga soo kala xushay NISA iyo shaqaalaha dowladda.

Intooda badan musharraxiintan waxay Muqdisho soo gaareen maalmihii u dambeeyey, waxayna isku baheysteen gadood ay ka qabaan qaabka loo qabanayo doorashada dalka oo ay madaxtinimadiisa u wada hanqal taagayaan, waxaana lagu wadaa in Isniinta berri ah ay war-murtiyeed ka soo saaraan shirkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay dagaalka u dhaxeeya Jabhada beeshiisa iyo Ciidamada Somaliland

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Wafdi Ka Socda Midowga Yurub Oo maanta Gaaray Jowhar

Cabdi Cade

(Sawirro) Fanaanka Sharma boy oo ku dhaawacmay shil gaari iyo dhimasho ka dhalatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---