Hub fara badan oo lagu soo qabtay howlgal Magaalada Boosaaso ka dhacay

Taliska Booliiska Gobalka Bari ayaa sheegay in Howlgal lagu xaqiijinayo amniga laga sameeyay Xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Booliska, PSF iyo PMPF ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xusseen Cali Maxamuud, waxaana ujeedka Howlgalka lagu sheegay xaqiijinta amniga Boosaaso.

Intii Howlgalkan uu socday waxay ciidamadu ku soo aruuriyeen hub si sharci daro loogu heystay Magaalada, waxaa sido kale lagu baarayay gawaarida iyadoo laga fiiqayay bacaha madow.

Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari oo mararka qaar ay ka dhacaan falal amni darro ayaa isku diyaarineysa qabashada doorashada xildhibaanada golaha shacabka Somalia ee dhowaan ka bilaabanaya Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -