Shil Khasaare geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Ugu yaraan shan ruux ayaa ku dhaawacmay shil gaadiid oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka jidka Warshadaha.

Shilkan ayaa yimid ka dib markii gaari ciidan oo ah kuwa Cabdi bilaha loo yaqaano uu jiiray Mooto Bajaaj mareysay meel ku dhow Ex-xaruntii hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in shanta qof ee la socday mootada bajaajka oo ku jiro darawalkii waday ay dhaawacyo culus ay soo gaareen, waxaana burburtay  mootadii ay la socdeen.

Gaariga ciidan ee shilka geystay ayaa la sheegay inuu u gurmaday dadkii dhaawacmay ee mootadala socday. iyagoo u qaaday goobaha Caafimaadka.

Shilalka noocan ah ayaa ku badan wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana loo sababeynayaa arrimo ay ka mid yihiin nidaamka marista jidadka oo sidii la rabay aan u dhaqan gelin iyo darawalada qaarkood oo aan khibrad badan u laheyn wadida gaadiidka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -