Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Cabdi Xaashi oo soo saaray Habraaca Doorashada Xildhibaanada Waqooyi (Akhriso)

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa soo saaray habraaca doorashada Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Gudoomiye Cabdi Xaashi  ayaa lagu sheegay iyada in la tixgelinayo duruufaha gaarka ah ee doorashada Xildhibaannada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi kaga duwan yihin doorashooyinka kale ee ka dhacaya dalka intiisa kale.

Habraacan doorasho uu soo saaray Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa imaanaya xili Dowlada federaalka dhagaha ka fureesatay dalabyo Cabdi Xaashi u gudbiyay, waxa ayna Xukuumada magacawady guddi doorasho oo ka shaqeenaya doorashada Xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

Halkan ka akhriso Habraaca doorashada uu soo saaray Gudoomiye Cabdi Xaashi

Related posts

Hormuud Salaam Foundation oo $50,000 ugu deeqday Abaaraha ka jira Gedo (Sawirro)

Cabdi Cade

Xukun adag oo lagu riday Ra’isul Wasaare hore Ibrahima Kassory

Cabdi Cade

Xiisad ka taagan Magaalada Baydhabo iyo qalalaase cusub oo laga cabsi qabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---