Xubno la yaqaan oo katirsan Hay’adda Nabad Sugida oo ku jira Guddiyada Doorashada !!

Guddiyada Doorashada ee soo magacaabeen dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada qaarkood ayaa la sheegay in ay ku jiraan saraakiil iyo xubno kale oo katirsan Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya.

Taliye kuxigeenkii hore ee Hayā€™adda Nabd sugida Soomaaliya Ismaaciil Daahir Cusmaan oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay in guddiyada doorashada ee la magacaabay ay ku jiraan xubno katirsan NISA oo isagu garanayo.

Waxa uu sheegay Ismaaciil Daahir in guddiyada doorashada ee la magacaabay in aysan noqon karin dhax dhaxaad, waxa uuna cadeeyay in ay ku jiraan shan xubnood uu yaqaan kana tirsanaa Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya.

” Guddiyadan ma noqon karaan kuwa lagu kalsoonaan karo oon dhax dhaxaad u noqon kara musharaxiinta, waxaa ku jira shan xubnood oon aqaan oo katirsan Hay’adda Nabad sugida” ayuu yiri Taliye kuxigeenkii hore ee NISA.

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa aaminsan in guddiyada doorashada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed u badan yihiin Nabad sugid iyo xubno kale oo kamid ah taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -