Amaro culus oo lagu soo rogay qaar ka mid ah gobolada Maraykanka

Qaar ka mid ah guddoomiyayaasha gobollada Maraykanka ayaa soo saaray amarro cusub oo lagu xaddidaayo dadka si loo yareeyo faafitaanka Coronavirus, xili kiisaska guud ee Mareykanka ay kor u dhaafeen 11 milyan.

Guddoomiyaha gobolka Michigan Gretchen Whitmer ayaa ku dhawaaqday in la mamnuucey cunnada Maqaayadaha la fariisto, ardayda dugsiyada sare iyo kuleejyada ee fasallada xaadira, shineemooyinka iyo kuwa goobaha kasiinada ee lagu cayaaro qammaarka. Waxay Whitmer sheegtey in isku imaanshiyaha guryaha aanu ka badnaan karin illaa iyo 10 qof.

Waxay ka dhawaajisay in xaalad aad u xun ay wajahayaan hadda, loona baahan yahay in la qaado tallaabo wax looga qabanaayo faafista coronavirus.

Gobolka waqooyi bari ee Washington, guddoomiye Jay Inslee, waxa uu isna mamnuucay ka cunteynta maqaayadaha la fariisto, waxana uu dukaamada tafaariiqda gada ku amrey in ay macaamiishooda gudaha galeysa ku koobaan xaddigooda 25%.

Isku imaanshiyaha dibadda, ayaa lagu koobay illaa iyo shan qof oo kaliya, halka midka guryahana la mamnuucey in dad aan guriyahaasi degganeyn isku yimaaddaan.

Sida ay shaacisay Jaamacadda Johns Hopkins, Mareykanka ayaa rikoor cusub oo kiisaska maalinlaha ah sameeyay, waxana maalinkii la soo warinayay ku dhawaad 150,000 oo kiisas cusub.

Dad ka badan 246,000 ayaa gudaha Mareykanka ugu dhintay COVID-19, taasoo ka dhigaysa inuu yahay dalka ugu horreeya ee dhinaca dhimasha cudurka oo haatan ku soo labo kacleeyey caalamka meelo ka mid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -