Allbanaadir.com
NEWS

Boqor Salmaan oo lagu sameeyay qaliin iyo Boqortooyada Sacuudiga oo War kasoo saartay

Boqorka Sacuudiga oo dhawaan la dhigay Isbitaal kuyaala magaalada Riyaadh ayaa lagu soo waramayaa in xaaladiisa ay kasoo reeneyso ,kadib qaliin ay ka qeyb qaateen dhaqaatiir badan oo maanta lagu sameeyay.

Boqor Salman Bin Abdulaziz ayaa lagu sameeyey qalliin looga saaray xameetida kadib markii uu ka xanuunsaday, waxaana xaalada Boqorka dowlada Sacuudiga sheegtay in ay aad u wanaagsan tahay.

”Boqorka Salmaan wuxuu maanta isbitalka Boqor Faysal ee magaalada Riyadh ku maray qalliin looga saaray xameetida,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay maxkamadda boqortooyada Sacuudiga.

Bayaan kasoo baxay Maxkamada Boqortooyada ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan Bin Abdulaziz  uu isbitaalka Boqor Faysal kusii nagaan doono maalmo si xaaladiisa caafimaad loola socdo.

Boqortooyada Sacuudiga ayaan horey looga baran ka hadalka xaalada caafimaad ee Boqorka, waxaana mudooyinkii dambe lasoo warinayay in xanuuno lasoo darseen Boqor Salmaan oo talada dalkaasi haya mudo 5-sano ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad ay Soomaali ku jiraan oo lagu xir xiray magaalada Nairobi iyaga oo Shiishad cabaya

Cabdi Cade

Kaluumeesato Kenyan ah oo lagu qasbay in ay Cunaan Kaluun Ceyriin ah iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo caawa Goobjoog ka noqday Doorasho ka dhacday degmada Eyl (Sawirro)

Cabdi Cade