Allbanaadir.com
NEWS

Wax badan ka Ogow Faa’iidada iyo Fadliga Bisha Barakaysan ee Ramadan

Bisha Ramadaan waxay leedahay fadli gaar ah oo aanay la wadaagin Bilaha kale, waa Bisha 9aad ee Bilaha Hijriga, waa Bishi lagu soo dejiyay Nabigeenna Muxammad N.N.K ha ahaatee Qur’aanka Kariimka, waxaa ku jira Bishaan Habeen ka Fadli badan Kun Habeen. Bishaan waxay Fadli aad u weyn iyo maqaam sare ku leedahay Diinta Islaamka, soonkeedu wuxuu waajib ku yahay dhammaan Musliinta inta Ahliyada Wujuubka u sugnaatay, waa Tiirka Afaraad ee Tiirarka Islaamka.

Fadaa’isha Bishaan waxaa ka mid ah in uu Eebe ku gaar-yeelay in la soomo, wuxuu sidoo kale ka fadilay Bilaha kale ee Sanadka, waxaa ka mid ah fadliga bishaan:

1)     waxaa la soo dejiyay Qur’aanka Kariimka iyo Dhammaan Kutubta Samaawiga, sida ku cad Aayadda 185 ee Suuradda Baqara.  Xadiiska uu wariyay Waa’ilah Bin Al-asqac wuxuu dhigayaa: in la soo dejiyay Bishaan Suxufti Ibraahim, Towraad, Injiil iyo Furqaan(Qura’aanka).

2)     Waxaa la farad-yeelay Soonka, waxaana la waajibiyay Sanadki 2aad ee Hijriga.

3)     Waxaa la furaa Bishaan Albaabada Samada iyo Albaabada Jannada.

4)     Waa Bisha Towbada iyo dembi dhaafka.

فعن أبي هريرة رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( الصلوات الخمس ، والجمعة إلى الجمعة ، ورمضان إلى رمضان ، مكفرات لما بينهن إذا اجتنبت الكبائر ) رواه مسلم

Wuxuu tilmaamayaa Xadiiskan laga wariyay Abu-Hurayrah:”in Salaadaha shanta ah, Jimco ilaa Jimcaha kale, Ramadaan ilaa Ramadaanka kale ay dhaafayaan dunuubta yaryar haddii laga fogaado kuwa waa- weyn”.

5)     Qofka sooma Bishaan, ku nooleeya cibaado, Habeenki Tukado, Kaalinti akhriyo Qur’aanka isagoo ajar iyo dembi dhaaf ka dalbanayo Allaah SWT, waxaa loo dhaafaa dhammaan dembiyadiisi hore.
وقال ُ صلى الله عليه وسلم : من قام رمضان إيماناً واحتساباً غفر له ما تقدم من ذنبه

6)     Waa Bisha naarta layska xureeyo, waxaa Habeen kasta oo ka mid ah Bishaan laga xoreeyaa Naarta Kumannaan Qof.في حديث أبي هريرة رضي الله عنه : قال صلى الله عليه وسلم : وينادي مناد : يا باغي الخير أقبل ، ويا باغي الشر أقصر ، ولله عتقاء من النار وذلك كل ليلة 

7)     Waxaa la furaa irdaha Jannada, waxaa la xiraa kuwa naarta, waxaa la xabisaa/jeebeeyaa Shayaadiinta.

8)      Ruuxa Sooman waxaa u duceeya had iyo jeer Malaa’igta Eebe, waxayna dembi dhaaf u weydiiyaa Allaah S.W.T.

9)     Waxaa  ku jira Bishaan Habeenka Lay-latul-Qadarka oo ka fadli badan Kun Habeen.

10) Irdaha Jannada waxaa ka mid ah Albaab lagu magacaabo Rayyaan, wuxuu u gaar yahay dadka Sooma, marka ay galaan ayaa la xiraa, loomana ogolaado cid kale in ay gasho.

11) Qofka sooma wuxuu soonkiisu u shafeecaa Maalinta Qiyaamaha.

12)Waa Bishi Samirka iyo Dulqaadka, waayoo qodka soomani wuxuu u dulqaadanayaa gaajada iyo harraadka, wuxuu ka ilaalinaya naftiisa wax allaale iyo waxa ay jaclayd, abaal marinta samirkuna waa jannada.

13)Waa Bisha  la ajiibo ducooyinka. Qofkii Allaah barya wuxuu aqbalaa ducadiisa, sida ay inoo caddaynayso Aayadda 186 ee suuradda Baqara ee ka dambaysa Aayadaha ka hadlaya Ramadaanka ee Suuradda. Allaha S.W. wuxuu yiri marki adoomadaydu wax i waydiisanayaan waxaan ahay mid u dhow aqbala kan wax i waydiisanayo.Nabiguna N.N.K wuxuu yiri: “Sadex lama celiyo ducadooda, waa mustajaabo, qofka soomaan ilaa uu ka afuro,Imaamka Caadilka ah, iyo Ruuxa la dulmay ama madluumka ah”.

14) Soonka Bishaan wuxuu u dhigmaa 10 Bilood soonkood.

15)Waxay dareensiisaa Muslimiinta sinnaan, maadaama ay dhammaan wada sooman yihiin, kan Hantiilaha ah iyo Faqiirkaba.

16)Waa Bisha Raxmadda, Isu-turidda iyo Daryeelka, waayoo dadka hantiilayaasha ahi waxay dareemayaan dhibaatada harraadka iyo Gaajada, waxayna ogaanayaan duruufta nololeedka ee dadka Saboolka ah.

17)Waa Bisha wax-bixinta iyo Sadaqada. Waana Bisha bixinta sadaqadu ka fadli badantahay Bilaha kale, waxa uu Nabigu ahaa mid si gaar ah deeqsi u ah Bishaan, inkastuu ahaa marwalba deeqsi, hase ahaatee wuxuu si gaar ah u bixin jiray bishaan sadaqo dheeri ah.

18) Soonku waa gaashaanka iyo xijaabka Naarta. وإن الصوم جنة ووقاية من النار

19)Cumrada Bishan waxay u dhigantaa Xaj, waxay la mid tahay Xaj oo kale

Bisha soon oo la cumraystaahi waxay u dhigantaa Xaj, adigoo xajiye oo kale ayay lamid tahay ((عمرة في رمضان تعدل حجة))

20)Xasanaadka iyo ajarka waa lalaba jibbaaraa bishan, Salaadda Sunnada ahina waxay u dhigantaa Faradka (waajibka ah).

21) Qofki Maalin kaliya ilaah dartiis u soomo ilaah wuxuu ka fogaynayaa Naarta 70 sano, ama 100 sano.

22) Qofka sooman afkiisu waxa uu ka udgoon badanyahay ilaah agtiisa miskiga ama catarka aadka u udgoon ee la yiraahdo Miskiga.

23) Abaal marinta soonku waxay gaar u tahay Allaha S.W, isaga ayaana ka abaal marsiinayaa ruuxa soomo.

24)Qofka soomani laba mar ayuu farxaa, marki uu afuro iyo marki uu la kulmo Allah S.W.

25)Allaah S.W.T wuxuu u dambi dhaafaa dadka sooman habeenka ugu dambaysa ee Bisha.

Haddaba akhristoow adigoo mahadsan ka faaiidayso fursaddaan qaaliga ah, ma ogid in ay ku soo mari soonto iyo in kale, ma ogid in aad gaari doontid Ramadaanka soo socdo,ilaali wakhtigaada,  nidaami acmaashaada, is xisaabi inta aan lagu xisaabin.

Akhristoo is weydii inta aadan seexan waxa kuu qabsoomay iyo sida aad uga faaiidaysatay wakhtigaadi:

ü  Ma tukatay Salaadaha Faradka ah? Maku dukatay Jamaaco?

ü  Ma dukatay Sunnooyin rawaatibta ahaa?

ü  Ma akhrisay Quranka? Imisa Jus ayaad akhrisay?

ü  Ma akhrisay adkaarta subaxa iyo galabka? Iyo adkaarta kale?Ma afurisay ruux sooman? Ma tukatay Salaaddii Taraawiixda?

ü  Wax ma sadaqaysatay maanta? Ruux dhibaataysan ma u gargargaartay? Ma caawisay Qof miskiin ah?

ü  Ma dadajisay afurka? Ma dib-dhigtay suxuurta? Maku afurtay timir? Haddii aad waysay Biyo?

ü  Ma u yeeratay walaalo dhibaataysan si ay kuula afuraan?

ü   Ilaah ma u toowbad keentay? Dambi dhaaf ma waydiisatay?

ü   Ma u ducaysay walaalaha Muslimiinta ah ee dulman? Kuwa dhibaataysan, kuwa xanuunsan?

ü   Ma laazimtay dhaqanka iyo aadaabta Islaamka ee suuban?

W/D/ Zakariye Ismaaciil

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharax Madaxweyne oo sheegay in Taliska NISA laga diiwaan galinayo Xildhibaanada

Cabdi Cade

Ciidamada ammaanka oo Muqdisho ku qabtay dad lagu tuhmayo qarax lagu dilay sargaal ciidan

Cabdi Cade

Danjiraha Itoobiya oo Xassan Shiikh gaarsiiyey dhambaal ka yimid Abiy Ahmed

Caydiid Ali