Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamad ku taalla Denmark oo xukun adag ku riday wiil Soomaali ah oo lagu eedeeyey..

Maxkamad taalla dalka Denmark ayaa xukun adag ku riday wiil Soomaali ah oo 22 sano jir ah kaasoo ku dhashay Dalka Denmark isla markaana ku hadli karin Luuqada Sooamaliga si wanaagsan.

Wiilkan Somaliga ayaa qadka internetka ka bartay gabar Ciraaq u dhalatay taasoo ugu danbeyn noqotay xaaskiisa waxaana la sheegay inuu dhowr mar u geystay falal jirdil ah sida isagoo sigaar uga damiyay isha.

Hooyada Gabadha oo qadka Muuqaalka kala hadashey gabadheeda ayaa aragtay dhibka gaaray gabadheeda waxayna markaasi dacweysay wiilka.

Wiilkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa dhowr mar oo hore geystay dambiyo kala duwan, waxaana Maxkamadu ay sheegtay in uu geystay dhammaan dembiyada lagu soo eedeeyey waxaana lagu xukuma 5 sano oo xabsi ah iyo in loo tarxiilo Soomaaliya oo ah dalka uu asal ahaan ka soo jeedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya: “Jid kasta ayaan u mareynaa inaan Bad helno”

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo toogtay Nin gowracay Xaaskiisa oo Xaamilo aheyd !!

Cabdi Cade

Musharax Nasri Warsame oo looga adkaaday Doorasho ka dhacday dalka Mareykanka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---