Wasiir katirsan Maamulka Jubbaland oo ka bad baaday qorshe lagu dili rabay

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in xalay guri uu magaaladaasi ka degan yahay Wasiir katirsan maamulka Jubbaland uu ka dhacay qarax miino.

Saraakiisha ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in qaraxa miino lagu xiray guriga uu Kismaayo ka degnaa Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Maamulka Jubaland Caydiid Saleebaan Xaashi .

Qaraxan uu ka bad baaday Wasiir Ceydiid ayaa waxaa ku geeriyooday sadex askari oo katirsanaa ilaaladiisa, waxa uu sidoo kale qaraxa waxyeelo gaarsiiyay guriga uu degnaa Wasiirka la weeraray.

Wasiirka Deegaanka iyo Dalxiiska Jubaland Caydiid Saleebaan Xaashi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu nabad qabo kana bad baaday qaraxa la doonayay in lagu dilo, waxa uuna sheegay in qaraxa ka dambeeyeen kooxo cadaw uu ku tilmaamay.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xili habeeno kahor weerar bambaano lagu qaaday guri uu magaalada Kismaayo ka degan yahay Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -