Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo War ka soo saartay qoraal la sheegay in C/wali Gaas uu u diray Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Madaxtooyada Puntland ayaa beenisay qoraal shalay lagu faafiyay baraha bulshada, kaasoo lagu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu warbixin dagaalkii Tukaraq ka siinayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyda Puntland ayaa lagu sheegay in qoraalkaas uu ahaa mid been abuur ah oo aan ka soo bixin xafiiska Madaxweyne, waxayna uga digeen Warbaahinta gudaha qaarkood oo sii faafiyey warqadaas iney iska hubiyaan waxyaabaha ay bulshada u tebinayaan.

Dhinaca kale qoraalka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay gabaad iyo agab dagaal siiso dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana ay dhanka buuraha uga gudbiso, waana kan hoose qoraalka oo faahfaahsan:-

HOOS KA AKHRISO QORAALKA PUNTLAND BEENISAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxii Shirkada McDonald oo shaqada looga eryay Sabab layaab leh !!

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Salah Elguneid (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: R/W Kheyre oo Shacab badan kula ciiday Daaru Salaam iyo Beerta Nabada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---