Ra’isul Wasaare Rooble oo u mahah cel;iyay Baarlamaanka Fariina u diray shacabka (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahad celiyay Xildhibaanada golaha shacabka Kalsoonidii ay maanta siiyeen golaha Wasiirada cusub uu dhawaan soo magacaabay.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Rooble in wasiiradan cusub kusoo aadeen xaalad adag oo kala guur ah, waxa uuna cadeeyay in uu kalsooni badan ku qabo in Wasiiradan si wanaagsan u gudan doonaan masuuliyada loo dhiibay.

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaana ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ku garab istaagaan howlaha hortabinta ee xukuumadiisa hortaala, waxa uuna sheegay garab isaataga shacabka in wax badan u tari doonto Xukuumadiisa.

”Waxaan mahad ballaaran u jeedinayaa xubnaha Golaha Shacabka oo si aan loo kala harin u ansixiyay Golaha wasiirrada ee aan soo magacaabay iyo barnaamijka xukuumadda ee aan la wadaagay, Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay nagu garab galaan howlaha hortabinta leh.” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Rooble.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta si buuxda u helay codka kalsoonida Xildhibaanada golaha shacabka, waxaana Wasiiradan la filayaa in aysan shaqo badan qaban doonin maadaama lagu jiro xili kala guur ah kuna mashquuli doonaan olole doorasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -