Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Rooble oo ka hadlay geerida Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka Soomaaliyeed iyo ehelada Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka tirsanayd Hobalada Qaranka ee Waabaari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay kaalinta Marxuumaddu ay ka qaadatay wacyigelinta bulshada iyo xoojinta dareenka wadaniyeed, iyadoo safka hore kaga jirtay hobaladii Qaranka ee hormuudka u ahaa xoojinta dhaqanka, afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Saynab Xaaji Cali Baxsan waxay ahayd hobol ku tilmaamnaa wadaniyadda iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed. Geerideedu waa mid na wada taabanaysa shacabka iyo dowladba maadaama ay xasuus ma guurta ah ay ku leedahay dhaxal faneedka dalka.”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Alle u waydiiyey Marxuumadda in uu fadhigeeda ka yeello Janatul Firdowsa, Samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelada, qoyska, bahda fanka ee ay ka tirsanayd iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed.

Marxuumada ayaa la sheegay iney muddo sanado ah ku xanuunsaneyd Muqdisho, mana jirin dowlad u fidisay kaalmo iyo daryeel Caafimaad, maadaama ay aheyd halyeeyad Qaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka sare oo shir deg deg ah iskugu yeeray Madaxda DF & dowlad Goboleedyada (Akhriso)

Caydiid Ali

Downlada Kenya oo quus ka taagan weerarada joogtada ee Alshabaab ku hayso!! (warbixin)

admin

Nin Muuqaallo anshax xumo ah ka duubay Gabdho da’yar ah oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---