Dowlada Somalia oo Wakiilka Midowga Afrika u qabatay inuu 48 saac kaga baxo dalka

Xukuumada Somalia ayaa dalka ka ceyrisay wakiilkii Midowga Afrika ee Somalia danjire Francisco Madeira.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo” ayaa lagu yiri qoraal goor dhow ka soo baxay xafiiska raisul wasaaraha dalka.

Qoraalka tafaasiil dheeraad ah kama bixinin sababta rasmiga ah ee keentay go’aanka dalka looga ceyriyey Wakiilka Midowga Afrika

HOOS KA AKHRISO QORAALKA OO ENGLISH AH

- Advertisement -