Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War cusub oo ka soo kordhay dagaalkii u dhexeeyey ciidamada Armenia iyo Azerbaijan

Dowladaha Armenia iyo Azerbaijan ayaa ku heshiiyay xabad joojin ku meel gaar ah ka dib dagaalkii labada dal ee gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ku dhawaaqay xabad joojinta kaddib 10 saacadood oo lagu wadahadlayay magaalada Moscow ee dalka Ruushka.

Sergei Lavrov ayaa sheegay in haatan labada dal ay bilaabi doonaan wadahadallo muhiim ah oo xal loogu raadinayo sidii dagaalka loo soo afjari lahaa.

Xabadda joojinta ayaa bilaaban doonto maanta barqada si ay u suurogasho in la is weydaarsado maxaabiista iyo in la gurto meeydadka dadkii ku le’day dagaalka labada toddobaad socday ee dhexmaray labada dhinac

Nagorno-Karabakh waxaa maamulo qowmiyad asal ahaan ka soo jeedda Armenia balse rasmiyan waxuu gobolkan uu khilaafkiisa mudddada badan soo jiitamayay ka tirsan yahay Azerbaijan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dedaalo lagu sii deyn lahaa Wadaadka Mukhtaar Roobow oo mar kale guuldareystay

Caydiid Ali

PSF” Garoonka diyaaradaha Boosaaso cid gaar ah uma xirnaan doono ”

Cabdi Cade

Shirkada Samsung oo xafiis toos ah ka furatay Somalia gaar ahaan Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---