Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday iyo Masuuliyiin ka tacsiyadeesay

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Jigjiga ee caasimada dowlada deegaanka Soomaalida ku geeriyooday Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay dalka.

Sida aan wararka ku helnay Cali Khaliif Galeyr ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ku xanuunsanaa isbitaal kuyaala magaalada Jigjiga halkaas oo maanta la sheegay in uu ku geeriyooday.

Masuuliyiin kala duwan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, weaxa ayna ilaah uga baryeen in dambigiisa dhaafo kana waraabiyo janadii fardowso.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Cali Khaliif Galeyr, waxa uuna tilmaamay in kaalin muhiim ah ee uu kasoo qaatay dadaallada dib-u-dhiska dalkeena.

Cali Khaliif Galeyr oo Ra’isul Wasaare kasoo noqday dowladii Carte uu hogaaminayay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa mudooyinkii dambe kunoolaa deegaanada Somaliland kadib heshiis uu la galay maamulka Hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -