Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ciidamada Armenia & Azerbaijan

Saraakiisha qowmiyadda Armenian-ka ah ee gobolka Nagorno-Karabakh ayaa xaqiijiyey in 21 askari oo kale looga dilay dagaalka ay kula jiraan ciidamada Azerbaijan, taasi oo tirada guud ee laga dilay ka dhigeysa 244 askari, tan iyo markii uu dagaalka billowday 27-kii September.

Dagaalka ayaa ah kii ugu xoogganaa ee labada dhinac dhex-mara tan iyo sagaashamaadkii, markaasi oo 30,000 oo qof lagu dilay dagaalka.

Hoggaanka Karabakh ayaa sidoo kale sheegay inay dagaal-yahanadooda kala baxeen qaar ka mid ah furumaha dagaalka, “sababo xeelad dagaal dartood.”

Hadalkan ayaa yimid kadib markii Azerbaijan ay sheegtay in gooni u goosatada ay ka carareen dhufeysyadooda.

Dhinaca kale, dalalka Ruushka, Mareykanka iyo Faransiiska ayaa ugu baaqay Armenia iyo Azerbaijan inay isku raacaan “xabad-joojin shuruud la’aan ah,” kadib markii dhinacyada ay billaabeen inay duqeeyaan magaalooyin waa weyn.

In ka badan 40 qof oo shacab ah oo labada dhinac ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalka.

Bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen wasiirada arrimaha dibedda Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska ayey ku sheegeen in xiisadda dagaal ee kasii dareysa, oo ay ku jirto weerarada la tuhunsan yahay in lagu beegsanayo xarumaha dadweyne “ay la macno tahay halis aan la aqbali karin oo ka dhan ah xasiloonida gobolka.”

Wasaaradda gaashaandhigga Azerbaijan ayaa sheegtay in ciidamada Armenia ay madaafiic ku garacaayaan dhowr magaalo, oo ay ka mid tahay magaalada labaad ee dalkaas ugu weyn ee Ganja, taasi oo markii ugu horreysay la garaacay Axaddii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -