Xildhibaanada Golaha Shacabka oo meel mariyay Sharciga Batroolka dalka

Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruntooda ayaa la horgeeyay dhowr hindo sharciyeed ay kaga doodayeen kulankooda .

Kulanka ay yeesheen Xildhibaanada golaha shacabka ayaa dood dheer kadib waxa ay Xildhibaanada qaab gacan taag ah h ku meel mariyeen sharciga batroolka dalka oo horey usoo ansixiyeen golaha Wasiirada Soomaaliya.

Sharciga Batroolka, waxaa u codeeyay oo taageeray in la meel mariyo 154 Xildhibaan, waxaa diiday sharcigan 4- Xildhibaan , mana jirin wax Xildhibaan ah oo ka aamusay sharcigan.

Xukuumada Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay sidii sharcigan loo meel marin lahaa , waxaana ugu dambeyn Xildhibaanada golaha shacabka meel mariyeen Sharciga Batroolka ay horey uga soo horjeesteen maamul goboleedyada dalka ka jira.

Sharcigan ay maanta ansixiyeen Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kamid ahaa qodobadii la isku mari waayay sharkii ka dhacay Garawe, waxa ayna Madaxda maamulada qaar kasoo horjeedeen sharcigan ee Xukuumada horey u meel marisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -