Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo saakay ka dagay Nairobi iyo xayiraadii saarneyd oo …

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uu maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaddib markii uu ka duulay magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe iyo xubno la socday ayaa diyaarad gaar ah ka raacay magaalada Kismaayo, waxa ayna gaareen magaalada Nairobi, halkaas oo la filayo in uu kulamo kula qaato madax katirsan dowladda Kenya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya, ayaa horey eedeymo culus ugu jeedisay madaxwynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxa ayna dowladda saartay xayiraad dhinaca safarka ah, iyadoona la joojiyay duulimaadyadii tooska uga bixi jiray Kismaayo kana degi jiray Nairobi.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, ayaana tan iyo markii dib loo doortay aan ka dhoofin magaalada Nairobi, waxa uuna safarkan noqonayaa kii ugu horreeyya uu u ambo baxo tan iyo markii uu dagaalka siyaasadeed iyo midda tooska ah la galay dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo War cusub ka soo saartay xaalada Soomaalida ku xaniban Ukraine (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Saraakiil gaaray degmada Guriceel & Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Sargaal katirsan Al Shabaab oo madaxiisa la dul dhigay lacag gaareysa 5 milyan oo dollar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---