Turkiga oo la sheegay in diyaarad dagaal kasoo rideen Dowlada Armania xili dagaal uu …

Dowlada Armania ayaa ku eedeesay milatariga Turkiga in ay kasoo rideen diyaarad nuuca dagaalka ah maalintii talaada intii uu socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada  Azerbajian iyo Armania.

War kasoo baxay dowlada Armania ayaa lagu sheegay in diyaarad nuucada f-16 oo leeyihiin milatariga Turkiga kusoo xadgudubtay hawada dalkooda ayna soo riday diyaarad dagaal oo nuuceedu yahay SU-25.

Dowlada Armania ayaana sheegtay in uu geeriyooday duuliyihii waday diyaarada lasoo riday, waxa ayna Turkiga ku eedeesay in weerar gardaro ah kusoo qaaday iyaga oo taageeraya dowlada Azerbajian.

Turkiga ayaa beeniyay eedeynta uga timid dhinaca Armania, waxaana warkan kasoo baxay Armania ku tilmaantay Xukuumada Ankara kuwa been abuur ah oo lagu qarinayo weerarka gardarada ah ee Armania ku qaaday dhulka Azerbajian.

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib  Erdogan ayaa horey u sheegay in taageero walbo oo dastuuri ah la garab istaagayaan dowlada Azarbijian, waxa ayna Turkiga ku tilmaameen Armania dowlada cadaw ah oo duulaan qaaday.

Dagaalka u dhaxeeya dowladaha Armania iyo Azerbajian ayaa galay maalintii afaraad, waxaana dagaalkan socda ku dhintay dad gaaraya 100-qof ay ku jiraan dad shacab ah oo labada dal kasoo kala jeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -