Allbanaadir.com
NEWS

Haweenka Gedo oo hubka u qaatay in ay isaga difaacaan ciidamada Kenya (Sawirro)

Qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Gedo waxaa wali ka socda banaan baxyo looga soo horjeedo falalka ay ciidamada Kenya ku leynayaan dadka reer miyiga ah ee kunool qeybo kamid ah gobolka Gedo gaar ahaan degmada Ceel-Waaq.

Dad ka careesan xadgudubka Kenya ka wado gobolka Gedo ayaa maanta banaan bax balaaran ka dhigay degmada Garbahaarey ee caasimada gobolka Gedo, waxa ayna dadkan ku dhawaaqayeen hadalo ka dhan ah Ciidmada Kenya.

Haween ka qeyb qaadanayay banaan baxa ka dhacay degmada Garbahaarey ayaa soo qaatay qoryaha AK-47, Mindiyo iyo Masaaro , waxa ayna sheegeen in diyaar u yihiin in ay isaga difaacaan ciidamada Kenya ee sida gardarada ah shacabka u leynaya.

Banaan baxayaasha ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqatay caro xoogan oo ka dhalatay falalka ciidamada Kenya ku leynayaan dadka shacabka ah ee kunool deegaano dhaca degmada CeelWaaq.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali qaadin talaabooyin ka dhan ah ciidamada Kenya ee dadka shacabka ah ku leynaya gobolka Gedo, mana jiro wali Xukuumada Soomaaliya war rasmi ah ay kasoo saartay xadgudubka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo ka jawaabtay Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo baraha bulshada ka saaray Muuqaal caro badan abuuray

Cabdi Cade

Khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay Madaxweyne Farmaajo iyo Sargaal sare oo katirsan NISA !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---