Faahfaahin: Weerar qaraxyo ku bilowday oo ka dhacay degaan ka tirsan J/hoose

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dagaal ciidamada Kenya iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray degaano ka tirsan gobolka Jubada hoose ee Koonfurta Somalia

Dagaalkan ayaa sida wararku sheegayaan bilowday markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Kolonyo ka tirsan Ciidamada Kenya oo marayay degaanka  Taabta.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in weerarka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah, inkastoo aan si rasmi ah loo ogaan karin tiradooda, waxaana weerarka barbar socday qaraxyo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay baaritaano ka wado deegaanka Taabto ee gobolka Jubbada Hoose ka dib markii dhamaaday iska horimaadkaas.

Warbaahinta Kenya ayaa daabacaysa in ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen gobolka Jubbada Hoose.

Mudooyinkii dambeeyay waxaa sii kordhayey dagaalada ciidamada Kenya iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaraya degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -