Madaxweyne Deni oo Niyada u dejiyay Mahad Cawad iyo Xildhibaano kale oo wal walsan

Waxaa xalay magaalada Muqdisho xaflad weyn oo soo dhaweyn ah loogu sameeyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Muqdisho uga qeyb galay shirkii Dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Siciid Deni oo khudbad ka jeediyay munaasabada soo dhaweynta ayaa ka hadlay arimo badan oo kamid aheyd xaaladihii adkaa ee laga soo maray heshiiskii dhawaan doorashada ka gaareen Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

Waxa uu ku aamay Siciid Deni Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo tanaasulka uu sameeyay markii la isku mari waayay shirkii u dhaxeeyay Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada si uusan shirku u noqon mid guul dareesta.

Siciid Deni ayaa sidoo kale niyada u dejiyay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Shacabka Mahad Cawad iyo Xildhibaanada kale ee kuraastooda rartay iyaga oo ka wal walsan in aan mar kale dib loo soo dooran doonin.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Deni in looga baahan yahay Mahad Cawad iyo Xildhibaanada kale ee ka wal walsan in dib aan loo soo dooran doonin in niyada dejiyaan iskana saaraan cabsida heesa, waxa uu balan qaaday in aan la faragalin doonin.

“Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad waxa aan leeyahay kursiga aad ka raratay Puntland waad kusoo ceshan kartaa, waxaana kuu damaanad qaadayaa haddii uu dib usoo ceshado in aan ku qabi doonin walwal, in aad garab naga heshaan mooyee, walwal kale hanaga rajeynina” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Muqdisho kawada kulamo siyaasadeed oo xal loogu raadinayo xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo hirgalin lahaa heshiiskii Muqdisho ku gaareen Dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -