Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shaqaalaha dowlada Kenya intooda badan oo loo fasaxay lacag la’aan awgeed

Maamullada gobolada Kenya ayaa inta badan shaqaalahooda fasaxaya, iyagoo joojiyay adeegyada aan daruuriga ahayn sababo la xiriira lacag la`aan ka dhalatay muranka ka taagan qeybinta lacagta dowladda dhexe ey ugu talo gashay ismaamullada.

Golaha barasaabyada ayaa shalay ismaamullada kula taliyay in shaqaalahooda ay fasaxaan isla markaana ay joojiyaan in bukaanno la seexiyo isbitaallada.

Dowladda Kenya ayaan weli siin ismaamullada lacagihii loo qoondeeyay iyadoo aqalka sare uusan weli isku raacin habka loo qeybsanayo.

Dastuurka Kenya ee la hirgeliyay sanadkii 2010 ayaa lagu abuuray 47 deegaan si ay dadku ugu fududaato helitaanka adeegyada dowladda.

Ilaa iyo haatan barasaabka Machakos Alfred Mutua ayaa ku amray dhammaan shaqaalaha inay galaan fasax inta lacagta laga sugayo dowladda dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyo iyo weeraro xalay ruxay Muqdisho iyo Booliiska oo…

Cabdi Cade

Golaha Naafada Qaranka oo ka hor yimid sharci uu ansixiey Baarlamanka Somalia (Akhriso)

Caydiid Ali

Nin Somaliland ugu yimid sidii uu ugu biiri lahaa Al Shabaab oo la qabtay xukuna lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---