Kenya oo shaacisay sababta ay u dalbatay in mar kale dib loo dhigo dacwada Badda

Kenya ayaa xaqiijisay in Maxkamadda ICJ ay ka dalbatay in markii 5aad dib loo dhigo dhageysiga furan ee kiiska la xiriira muranka xadka badweynta Hindiya ee ay isku heystaan Soomaaliya, taasoo qorshuhu uu ahaa in la billaabo bisha soo socota ee Maarso.

Wasaarada arrimaha dibeda ee Kenya ayaa sheegtay in Ujeedda arrintan ay u codsadeen ay tahay sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo saameyn weyn ku yeeshay howlihii diyaargarowga kiiska ee ay wadday Kenya.

“Kenya ayaa garsoorka maxkamadda ku wargelisay in aysan dhageysiga dacwadda uga qeyb gali karin si rasmi ah, iyadoo ay jirto khatar dhinaca amniga ah oo waddanka ku imaan karta oo ku xiran natiijada kasoo baxda dacwadda la gudbiyay sanadkii 2014-kii” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Kenya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe, oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in dib loo dhigo kiiska dacwadda badda ee horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaallada.

Dubbe ayaa intaa ku duray in Kenya ay ku doodeyso in Soomaaliya aysan xilligan ka jirin dowlad sharciyad u leh hogaaminta dalka.

Hase yeeshee dowladda Kenya ayaa gaashaanka ku dhufatay sheegashada Soomaaliya ee ku aaddan sababta ay u dalbatay dib u dhigista kiiska inuu yahay arrimo la xiriira sharci ahaanshaha dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -