Al-Shabaab oo dib u qabsatay degaanka Janaay Cabdalle iyo Ciidamadii huwanta oo..

Al-shabaab ayaa maanta gelinkii dambe dib ula wareegtay gacan ku haynta degaanka Janaay Cabdalla oo qiyaastii 60Km galbeed uga beegan magaalada Kismaayo sida ay sheegtay kooxdan oo War soo saartay caawa.

Al-shabaab ayaa intaas ku dartay iney halkaas isaga baxeen ciidamadii huwanta ee isbuucii lasoo dhaafay qabsaday, ayna taasi u suuragelisay iney mar kale galabta si nabadgelyo ah ula wareegaan degaankaas.

“Ciidamada huwanta oo wata tobanaan gaari oo isugu jira nuuca gaashaaman iyo kuwa xamuulka ayaa baneeyay saldhiggii ay ka sameysteen deegaanka Janaay Cabdalle, waxaana la arkayey maanta gelinkii ciidamada Mareykanka iyo kuwa Bangaraafta oo wadada ku lugaynaya iyagoo hareer socday gaadiidkooda” ayaa lagu qoray qoraal lagu daabacay bogaga taageera Al-shabaab.

Laba Maalin ka hor ayay aheyd markii weerar ismiidaan ah lagu qaaday ciidamada Kumandoska Somalia ee Danab iyo kuwo Maraykan ah oo qabsaday degaanka  degaanka Janaay Cabdalle waxaana halkaas ku dhintay tiro ciidamo ka tirsan dowlada, iyadoo Maraykanku sheegay hal askari uu kaga dhaawacmay weerarkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -