Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo la kulmay Mukhtaar Roobow (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee K/Galbeed Shariif Xassan Shiikh Aadan ayaa maanta booqday Mukhtaar Roobow Cali (Abu-Mansuur) oo xabsi guri ugu jira dowlada Somalia.

“Waxaan Maanta Hoygiisa Ku Booqday Walaalkey Mukhtaar Roobow Cali, Salaan iyo Is Xog- wareysi kadib Waxaan Ka wada Hadalnay Arimaha Masiiriga Ah Ee Dawladda Koofur Galbeed, Guud ahaan Mustaqbalka iyo Xaaladda Soomaliya” ayuu Shariif Xassan oo bartiisa Facebook soo dhigay Qoraal kooban.

Mukhtaar Roobow ayaa afar sano ka hor xiray DF ka dib markii uu isku soo taagay doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed taasoo ay ka hor timid DF ee uu horkacayey Madaxweynihii xilka ka degay Farmaajo.

Waxaa 15-kii bishii hore Madaxweyne loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii mucaaradka ee u ololeynayay soo siideynta Mukhtaar Roobow, sheegayna in uu soo siideyn doono haddii Madaxweyne loo doorto.

Markii ugu dambeysay ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si shaac ah uga hadlay arrinka Mukhtaar Rooboow waxay ahayd bishii Luulyo 2021-dii markaasoo uu sheegay in Mukhtaar Roobow loo afduubtay sababo siyaasadeed.

Xasan Shiikh ayaa markii uu talada dalka la wareegay fududeeyey xabsiga Mukhtaar Roobow, isagoo ogolaaday iney booqdaan eheladiisa iyo dadka kale ee loo diiday iney arkaan mudadii uu xilka hayey Farmaajo.

- Advertisement -