Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo caawa ku dhawaaqay go’aan taariikhi ah, kana tanaasulay qorshihiisa doorashada

Madaxweyne Siciid Deni ayaa Caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay in doorashada Puntland uu ku qabanayo wakhtigeeda islamarkaana lagu galayo sidii hore ee 66 xildhibaan.

Madaxweyne Deni oo hadal kooban ka jeediyay Xarunta Madaxtooyada ayaa shaaciyay in doorashada lagu qabanayo 8 jannaayo 2024 laguna galayo nidaamkii hore ee 66 ee lagu doortay isaga, isagoo xusay inuusan ku faraxsaneyn go’aankan balse uu u qaatay badbaadinta Puntland.

“Waxaan rabaa anigoo u turaya Mustaqbalka Puntland inaan halkaan uga dhawaaqo in doorashadu ku dhacdo 8 Jan lagu doorto nidaamkii qabaliga ahaa ee 66 xildhibaan” ayuu yiri Siciid Deni.

Dhinaca kale xisbiyada siyaasadda Puntland ee taageersanaa in doorashada lagu qabto hannaanka qof iyo cod ayaa sheegay in ay u tanaasuleen xasiloonida iyo nabadda Puntland waxaana ay taageereen doorasho ku dhacda 66x Xildhibaan

Hadalka Deni ayaa soo afjaraya khilaaf adag oo ka taagnaa mudooyinkan hanaanka doorashada soo socota ee hogaanka Puntland kaasoo u dhexeeyey Madaxweyne Deni oo doonayey doorasho qof iyo cod ah iyo Mucaaradka oo aaminsanaa inaan laga gaarin doorasho noocaas ah, uuna doonayo Deni muddo kororsi, iyagoo ku adkeysanayey in loo laabto hanaankii 66da xildhibaan ay soo dooranayeen Madaxweynaha.

HOOS KA DAAWO HADALKA DENI

Related posts

Al Shabaab oo weeraro culus ku qaaday Saldhigyo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM

Cabdi Cade

Keria Ibrahim oo isku dhiibtay ciidamada Itoobiya ee qabsaday Magaalada Makelle

Caydiid Ali

Facebook oo tallaabo adag qaadaysa haddii Maraykanka laga ansixiyo sharci cusub

Cabdi Cade