Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dhacay Shabeelaha hoose

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan guutadda 14 October oo ku suganĀ  degaanka Bariire ayaa Howlgal qorsheysan waxay ka sameeyeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Howlgalka inta uu socday ayaa ciidamada xoogga waxay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka oo ka dhacay degaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose.

Saraakiisha ayaa Sidoo kale sheegay inay soo saareen Miinooyin ay dagaalamayaasha Al-shabaab ku aaseen wadda xariirisa Bariire iyo degaanka Number 50.

Ciidamada DF qeybahooda kala duwan ayaa howlgalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka wada qeybo ka mid ah gobolada dalka, gaar ahaan meelaha ay joogaan Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo kulan Xasaasi ah la qaatay Xubno kala duwan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in howlgal lagu dilay in ka badan 40 xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Maxkamadda G/Banaadir oo bilaabeysa dhegeysiga dacwad musuq (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---