Qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho oo saakay la xiray iyo Sababta keentay

Qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee kuyaala magaalada Muqdisho ayaa saakay la xiray, waxaana dadka iyo gaadiidka dadweynaha loo diidayaa in ay isticmaalaan wadooyinkaasi .

Ciidamo badan oo isugu jira booiis iyo Nabad sugid ayaa lasoo dhoobay wadooyinka magaalada Muqdisho si ay amaanka u adkeeyaan, ciidamadan ayaana gaadiida ku xiray wadooyinka qaar si aan loo marin.

Sababaha loo xiray wadooynka magaalada Muqdisho loona adkeeyay amaanka ayaa lagu sheegay in magaalada saacadaha soo aadan soo gaarayaan Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland .

Shacabka magaalada Muqsho ayaana saakay kusoo toosay wadooyinka qaar oo xiran ciidamo badana lasoo dhoobay, waxaana dadka qaar dantu ku qasabtay in goobaha waxbarashada, ganacsiyada u lugeeyaan.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa inta badan marka ay imaanayaan magaalada Muqdisho ma jiri jirin wadooyn loo xiro, waxa ayna shacabka Muqdisho isweediinayaan waxa ay Madaxda Jubbaland iyo Puntland kaga duwan yihiin madaxda maamulada kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -