Masuuliyiin Katirsan Dowlada iyo xubno kale oo Xukuno adag lagu riday (Akhriso Magacyada)

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta oo khamiis ah xukuno kala duwan oo xabsi ah ku riday Agaasime katirsanaa Wasaarada Kaluumeesiga iyo Kheyraadka badda Soomaaliya iyo xubno kale oo iyana ku eedeesnaa falal la xariira Musuq maasuq.

Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir ayaa kahor sheegay Maxkamada in Eedeesanayaasha oo isugu jiray Masuuliyiin iyo shaqaale Dowladeed lagu helay xatooyo hanti dadweyne .

Maxkamada ayaana afarta Eedeesane ee la horgeeyay ku heshay dambiyadii lagu soo eedeeyay ee ahaa xatooyo hanti dadweyne, waxa ayna Maxkamada gobolka Banaadir ku riday xukuno xabsi ah iyo ganaax lacageed.

Halkan ka Akhriso Magacyada xubnaha xukunka lagu riday

1-Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Kalluumeysiga Iyo Qeyraadka Soomaaliya Guuleed Maxamed Ibraahim waxa ay Maxkamadda ku xukuntay 10 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 2,366 dollar iyo in uu qasnadda dowladda ku celiyo $137,907 dollar iyo ka reebista xafiis dadweyne.

2-Aweys Xasan Cumar, oo ah xisaabiye ka tirsan waaxda maaliyadda wasaaradda warfaafinta ayaa maxkamaddu ku xukuntay hal sano iyo 6 bilood xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 255,25,000 oo shillin Soomaali ah oo u dhiganta $ 1,183 USD.

3-Cali Sheekh Doon Cabdi, oo ah madaxa hubinta xafiiska Xisaabiyaha guud ee dowladda federaalka waxay maxkamaddu ku xukuntay 9 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 88,725,000 oo Shillin Soomaali ah isla markaana $3,549 USD, sidoo kale waxaa lagu amray in qasnadda dowladda ku soo celiyo $58,555 USD oo ah lacagtii uu lunsaday.

4: Khadar Aweys Xasan Maamulka Shirkadda Alxabiib Business Centre waxaa lagu xukumay Saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $1183 dollar,

Maxkamada gobolka Banaadir ayaana cadeesay in dhamaan afartan qof ee lagu riday xukunada kala duwan ee xabsiga ah ee Racfaan ka qaadan karaan xukunada lagu riday, waxa ayna Maxkamada baabi’isay damaanad dadkan qaarkood banaanka ku joogeen.

 

- Advertisement -