Ciidamada Itoobiya oo afar oo qof Shacab ah maanta ku dilay Degmada Baardhaare

Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmadaasi maanta rasaas dhalisay khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ku fureen shacab banaan bax dhigayay.

Sida aan Wararka ku heleyno waxaa maanta banaan bax looga soo horjeeday Gudoomiye cusub oo Degmada Baardhaare usoo magacaabay maamulka Jubbaland uu ka dhacay degmadaasi, waxa ayna dadku ku dhawaaqayeen ereyo ay uga soo horjeedeen Jubbaland.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Baardhaare ayaa rasaas xoogan ku furay shacabkii dhigayay banaan baxa, waxaana rasaastaasi la sheegay in ay ku dhinteen afar qof tiro kalana ku dhaawacmeen.

Nabadoon Cali Yacquub Nuur oo ka mid ah waxgaradka Baardheere ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya rasaas ooda uga qaadeen shacab banaan bax dhigayay , waxa uuna xusay in rasaastaasi ku dhinteen  afar qof  lix qof oo kalana uu dhaawac soo gaareen.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in ciidamada Itoobiya ee shacab ku dilay Degmada Baardheere ay taageersan yihiin Gudoomiyaha cusub ee maamulka Axmed Madoobe usoo magacaabay degmada Baadhaare.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa mararka qaar dad shacab ah waxa ay ku dileen deegaanada ay joogaan, mana jiro tilaabo muuqdo oo laga qaado ciidamada AMISOM ee shacabka dhibaateeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -