Muuse Biixi oo qaabiley Wakiilka cusub ee Itoobiya u soo Magacawday Somaliland (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wakiilka cusub ee dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday maamulka Somaliland, Amb Siciid Maxamed Jibriil.
 
Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Wakiilka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama  wakiilku xafiiska Hargeysa ku cusub yahay oo dhawaan dawladda federal-ka Itoobiya u soo magacawday .
 
Kulankan, ayaa sidoo kale lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.
 
Waxaana Kulankaa Madaxweynaha ku wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, dhinaca Wakiilka waxa ku wehelinaayey Wakiil ku xigeenka safaaradda Itoobiya iyo masuuliyiin kale.
- Advertisement -