Xaaska Madaxweyne Erdogan oo la kulantay Aktar caan ah oo filim ku jilaya Turkiga (Sawirro)

Xaaska Madaxweynaha dalka Turkiga Emine Erdoğan, ayaa magaalada Istanbuul kula kulantay aktarka caanka ah ee Amir Khan oo dalkaasi u tagay in uu ku jilo qeyb kamid ah filimka ‘Laal Singh Chaddha’.

Sida ay ku warameen Warbaahinta dalka Turkiga Aktarka Amir Khan oo Turkiga u jooga sidii uu u qiimeyn lahaa goobaha uu ku jilayo qeybo kamid ah filimka uu soo wado ayaa dalbaday in uu la kulmo Marwada Madaxweynaha Turkiga.

Amir Khan ayaa Amine Erodagn uga sheekeeyay arimo badan oo kamid ahaayeen taariikhdiisa iyo sidoo kale mashaariic kala duwan oo bulshada wax loogu qabanayo ay aas aaseen isaga iyo xaaskiisa.

Xaaska Madaxweyne Erdogan ayaa fariin ay kusoo qortay barteeda Twitterka ku sheegtay in ay ku faraxsan tahay in ay la kulantay aktarka caanka ah ee Amir Khan, waxa ayna ku amaantay sida filimaantiisa diirada ugu saaro arimaha bulshada la xariira.

“Jilaagan caanka ah ee aflaantana sameeya soona saara, wuxuu ku sugan yahay Istanbul. Aad ayaan ugu faraxsanahay in Aamir uu go’aansaday in filimkiisan ugu dambeeya ee ‘Laal Sing Chaddha’ qeybaha ka harsan uu ku jilo gobollada Turkiga. Waan sugayaa si aan u daawada”, ayey tiri Amine Erdogan.

Aktarka Caanka ah ee Amir Khan ayaa dalka Turkiga u yimid si uu ugu jilo qeybo kamid ah filimka lawada sugayo ee Laal Singh Chaddha oo qeybihiisa hore uu kusoo jilay gudaha dalka Hindiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -