Nin isku qarxiyay goob lagu shaaho oo kutaala Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa duhurnimadii maanta nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray isku qarxiyay goob lagu shaaho oo kutaala halka loo yaqaan Baar Bulsho oo ku dhaw Taalada Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray gudah u galay goobta lagu shaaho kadibna isku qarxiyay, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay sadex qof uu ku jiro ninkii waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa ku geeriyooday qaraxa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan afar qof oo kale oo shacab ah.

Ciidamada amaanka ayaa qaraxa kadib gaaray goobta uu ka dhacay, waxa ayna ciidamada sameeyeen howlgalo iyagoo sidoo kale u gurmaday dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxan ismiidaaminta ah.

Qaraxyada ay fuliyaan dadka jirkooda kusoo xira waxyaabaha qarxa ayaa aad ugu yaraa magaalada Muqdisho, waxaana inta badan qaraxyada loo adeegsan jiray gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -