Wariye Caan ah oo geeriyooday isaga oo tabinayay Ciyaartii Argentina iyo Holland

Wariye caan ah oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa xalay ku dhax geeriyooday garoonka kubadda Lusail Iconic Stadium ee dalka Qatar, halkaas oo ay ka socotay ciyaartii xiisaha badneed ee u dhaxeeysay Argentina iyo Holland.

Grant Wahl, oo ka mid ah qoraayaasha kubbadda cagta oo caanka ka ahaa dalka Maraykanka, ayaa geeriyooday  isagoo terbinayay ciyaartii Koobka Adduunka ee u dhaxaysay Argentina iyo Holland, waxa uuna mar qura ka dhacay kursigii uu ku fadhiyay.

Wariyahan oo 48 jir ahaa ayaa mar qura ka dhacay kursigii uu ku fadhiyay, waxaana caawinaad u fidiyay saxafiyiin  kale oo ka agdhawaa, kuwaa oo ugu yeeray shaqaalaha gurmadka degdega oo goob ta ka qaaaday.

Grant Wahl, ayaa maalin kahor geeridiisa soo qoray in 10-kii maalmood ee la soo dhaafay uusan caafimaadkiisa wanaagsanayn, waxa uuna xusay in uu isticaamalayay dawo antibiyootic ah si ay wax uga tarto qabow looga shakiyay inuu haleelay.

Geerida wariyahan caanka ahaa ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay Gianni Infantino, waxa uuna sheegay in uu ka baxay kubadda cagta wariye si weyn u jeclaa ciyaaraha iyo horumarkooda, waxa uuna tacsi gaar ah u diray ehelada wariyaha.

Wariyahan oo saxaafada ciyaaraha muddo dheer kusoo jiray ayaa kahor inta uusan geeriyoon  tebinayay koobkii aduunka ee siddeedaad, waxa uuna caan ku ahaa tabinta koobka adduunka iyo ciyaaraha kale ee xiisaha badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -