Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS Ayaa Caawa Kulankooda Labaad ee Kalfadhiga 7aad Ku Yeeshay Xaruunta Guddiyada Iyo Guddonka Golaha Shacabka BJFS

Waxay Kulankooda Uga Hadleen Shuruucda La Taala ee Golaha Shacabka Iyo Sidii Loo Kala Horumarin Laha ama Mudnaanta Loo Kala Siin Laha Maalmaha La Kala Gelinayo Shuruucda Golaha Hor Yaala

Sidoo kale Kulanka ayaa looga Hadlay Sidii Shaqada Baarlamanka loo kordhin lahaa Isla markaana Inta Waqtiga Baarlamanka Ka Harsan loo Dardar Gelin Laha Dastuurka Ku meel Gaarka ee Dalka.

Kulanka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka Ayaa Waxa Shir Guddominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman Iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muuday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Qoorqoor iyo danjireyaasha reer galbeedka u fadhiya Somalia?

Caydiid Ali

(Akhriso) Jubbaland oo DF ku eedeysay iney arrimo halis ah ka wado gobolka Gedo

Caydiid Ali

Hogaamiyaha Wadajir oo baaq u Diray Masuuliyiin kale oo ku lug lahaa Weerarkii lagu qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---