Faha faahino kasoo baxaya Sargaal katirsan Al Shabaab oo lagu dilay weerar qorsheesan

Duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyeen meel ku dhaw degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhaxe ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab.

Saraakiil katirsan ciidanka dowlada ayaa Warbaahinta u sheegay in duqeynta lala eegtay sargaal katirsanaa Al Shabaab oon magaciisa wali la shaacin, waxaana la sheegay in duqeynta lagu dilay sargaalkaasi bartilmaameedka ahaa.

Warsaxaafadeed uu soo saaray taliska ciidanka Mareykanka ee Africa ee loo soo gaabiyo AFRICOM ayay ku sheegeen in duqeyntan ay iska kaashadeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

“Waxaan sii wadi doonaan iskaashiga aan la leennahay saaxiibadeenna Soomaaliya si aan u baabi’inno kooxaha argagixisada ah ee doonaya iney waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Brig. Gen. Miguel A. Castellanos oo ah ku-xigeenka agaasinta howlgallada ee Taliska AFRICOM.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo ka fuliya deegaano iyo Degmooyin Al Shabaab maamulaan, waxaana inta badan la sheegaa in duqeynta lagu bartilmaameedsado xubno sare oo katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -