Allbanaadir.com
HIRSHABELLEMUQDISHONEWS

Waare oo xilka ka qaaday Wasiiro ka tirsan Hirshabelle, kuwo kalena Magacaabay (Akhriso)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii ka qaaday xubno ka tirsanaa Golihiisa wasiirrda isagoo magacaabay xubno cusub.

Madaxweyne Waare ayaa xilkii ka wasiirkii Tamarta iyo Biyaha Hir-shabelle Saalax Maxamed Xasan, waxaana xilkaas loo magacaabay Xildhibaan Shuceyb Cabdikariin oo ka tirsan baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Sidoo kale isla wareegtadan ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Waare waxaa wasiiru-dowlaha wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hir-shabelle loogu magacaabay Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow oo isna ka tirsan baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Wareegtadan ayaa lagu xusay in baahi loo qabey dar-dargalinta hawlaha adag ee hor-yaalla wasaaradahaas ay sabab u tahay is bedelkan cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Dhaawac ahaa oo lagu dhax dilay gudaha Isbitaal kuyaala magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Qeyb Muhiim ah oo lagu kordhiyey xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali

Amiir & Guddiga doorashada Qaranka oo ka wada hadlay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---