Xoghaye Joogto cusub oo loo magacaabay Xafiiska Raisul Wasaaraha

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa Mucaawiye Sheekh Ibraahim u magacaabay in si KMG ah uu u haayo xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/wasaaraha oo maalma kooban uu isna si kumeel gaar ah ugu hayay Cabdirisaaq Xuseen Aaden (Caato).

Mucaawiye Sheekh Ibraahim ayaa waqti dheer soo ahaa ku-xigeenka xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.


Lama oga waxa sababay isbedelkaan lama filaanka ah ee ku yimid maamulka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Mucaawiye Sheekh Ibraahim waxuu kasoo jeedaa Koonfur Galbeed, halka xoghayihii maalmaha kooban shaqeynayay ay isku reer yihiin madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo)

- Advertisement -