Mustafe Cagjar oo u hanjabay shaqsiyaad Soomaali ah oo u gacan haatinaya TPLF

Madaxweynaha dowlada degaanka Soomaalida  Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay ineysan u dulqaadan dad uu sheegay iney hoosta kala jiraan, una gacan haatinayaan Jabhada TPLF.

Mustafe Muxumed Cumar ayaa hadalkan ka jeediyey isu soo bax ka dhacay magaalada Jigjiga oo looga soo horjeeday Jabhada TPLF

“TPLF waxa ay ka been sheegtay dastuurka dalka, waxa ay ahayd koox dadka gumeysata; waxaana ina xukumayey saraakiisheeda” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe.

“Nidaamkii ku dhisnaa kala-sarraynta, dhaca, kufsiga iyo xasuuqa ayey rabaan in ay mar kale soo celiyaan, laakiin taasi ma ahan mid ay aqbali doonaan shacabka Deegaanka Soomaalidu. aniga oo ku hadlaya afka xukuumadda iyo midka shacabka waxa aan idiin xaqiijinaynaa in si cad aannu ula dagaallami doonno argagixisada TPLF” ayuu intaas ku daray Mustafe Muxummed Cumar.

“Waxa aan idiin caddeynaynaa in maanta kaddib ayna dawladdu ogalaan doonin in ay bannaanka sii joogaan dadkii shacabka xasuuqa u geystay ee maantana doonaya inay awr-kiraaleyaal u sii noqdaan haraaga nafla-caariga ah ee TPLF, taas waxay u muuqataa tallaabo-qaad ay hore dawladdu u gabtay oo maanta lagu dhaqaaqi doono” ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -