Mahdi Guuleed oo Xariga ka jaray qeyb cusub oo Hormuud ka dhistay Isbitaalka Banaadir (Sawirro)

Munaasabad xarigga looga jarayay furitaanka qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Banaadir ayna dhistay shirkada isgaarsiinta hormuud ayaa lagu qabtay gudaha isbitaalka banaadir ee magaalada Muqdisho.

Sii hayaha xilka Raysal Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo ay wehliyaan qaar kamid ah golaha Wasiirada ayaa maanta si rasmi ah xarigga ka jaray qeybtan cusub ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka Banaadir.

Cali sheikh yaasiin (Cali fadhaa) oo ah masuul ka tirsan shirkada hormuud ayaa ka war bixiayay heerarkii uus oo maray hirgalinta qeybtan cusub ee loogu tala galay in lagula tacaalo dadka qaba Covid19.

Wasiirka caafimaadka xukuumada federaalka Somalia Drs Fowziya Abiikar Nuur oo iyana goobta ka hadashay ayaa uga mahad celisay shirkada hormuud kaalinta ay ka qaadaneyso hormarinta adeegyada bulshada oo caafimaadku ugu horeeyo.

Mahdi Maxamed Guuleed sii hayha xilka raysal wasaaraha dalka oo xariga kajaray isbitaalkaasi cusub ee lagula tacaalayyo Covid-19 islamarkaana ay dib udhis kusameesay shirkada hormuud ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay shaqada muhiimka ah oo shirkadda Hormuud dadka u heyso wuxuuna tilmaamay dhismahaan isbitaalka uu kusoo aaday xiligii loogu talagalay.

Shirkada hormuud oo ka duulaysa qatarta caafimaad ee uu xambaarsan yahay cudurka covid19 oo saameyn xoog leh ku yeeshay wadamo badan oo caalamka ka mid ah ayaa u istaagtay hir-galinta xarun caafimaad oo lagula tacaalayo dadka uu soo rito cudurkaasi saf-mareenka ah.

Qaybtaan cusub ayaa loo dhammaystiray dhammaan agabyada caafimaaad ee qol waliba loogu tala galay, iyadoona loo dhisay hannaan casri ah waxaana dhisay shirkadda dhismaha Buruuj.

- Advertisement -