Ciidamada Cabdirsahiid Janan oo la sheegay in Hubkooda ku iibinayaan magaalada …

Siyaasiyiin kasoo jeeda magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ayaa ku eedeeyay ciidamada uu wato Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan in falal amaanka lidi ku ah ka wadaan magaalada Mandheera.

Cumar Maxamed Macalin oo ah Mudane laga soo doortay Bariga Mandheera ayaa sheegay in ciidamada Wasiirka Amniga Jubbaland ay falal qal qalgalin ah lidina ku ah amaanka ka wadaan magaalada Mandheera iyo duleedkeeda.

Mudanahan ayaa sheegay in magaalada Mandheera iyo duleedkeedka wada degan yihiin beelo horey u dagaalamay, waxa uuna xusay in Ciidamada Janan hada bilaabeen in hubkooda dadka ka iibiyaan taas oo dhibaato abuuri karta .

Waxa uu sheegay Cumar Maxamed isaga iyo siyaasiyiin kalaba dalbadeen in magaalada Mandheera laga saaro ciidamada uu wato Cabdirashiid Janan si aysan halkaasi uga abuurin xaalad nabad galyo xumo.

Ciidamada Wasiirka amniga Jubbaland ee ku sugan magaalada Mandheera iyo xadka magaaladaasi la wadaago Balad Xaawo ayaa lagu eedeeyay in ay ku dhaqaaqaan falal amaanka lidi ku ah ay kamid yihiin dhac iyo kufsi.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -