Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sii-hayaha Ra’isul Wasaaraha Somalia oo kormeeray dekeda Muqdisho (Sawirro)

Sii-hayaha Ra’isul Wasaaraha Somalia Mahadi Maxamed Guuleed Qadar oo ay wehliyaan Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee xukumadda federaalka Soomaaliya Marwo Maryan Aweys Jaamac ayaa maanta kormeeray Dekeda magaalada Muqdisho si loo dar-dargaliyo howlaha lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Dekeda sida ay usocoto shaqada waxaana uu bogaadiyay sida hufnaanta leh ee ay u shaqeeyaan howl-wadeenada .

Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebok ku sheegay in Dekeda Muqdisho ay tahay isha dhaqaalaha dalka.

“Maanta waxaan kormeer ku tagnay aniga iyo Sii-ha Ra’isul Wasaaraha Dalka Mahdi Gulaid Dakadda Magaalada Muqdisho oo ah isha dhaqaalaha iyo dakhliga dalka” ayuu yiri Wasiirka

Waxaan uu u mahad celiyay Wasiirka Maamulka, shaqaalaha Dakadda iyo Wasiir Maryan Aweys oo wax badan ka qabatay dib habeynta howl-maadmee dka Dekeda Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax xooggan oo goordhaw ka dhacay Isgoos laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada

Cabdi Cade

Bannaan bax looga soo horjeeday Dilka Cabdullaahi Cali Hudeey oo la dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida oo sheegay iney fashiliyeen afgembi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---