Ra’isul Wasaare Kheyre oo kusoo wajahan Muqdisho iyo abaabul xoogan oo socda

Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan magaalada Dhuusomareeb ayaa saacadaha soo aadan la filayaa in uu kasoo dego garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ilo ku dhaw dhaw Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa laga soo xigtay in diyaaradii soo qaadi laheyn Ra’isul Wasaaraha ku wajahan tahay magaalada Dhuusomareeb saacadaha soo socda uu imaan doono magaalada Muqdisho.

Wasiirada iyo xildhibaanada taageersan Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa abaabul xoogan xiligan ka wada magaalada Muqdisho, waxa ayna si weyna uga soo horjeedaan xil ka qaadista boobsiiska ah ee lagu sameeyay Ra’isul Wasaare Kheyre.

Xubnahan u dhaw dhaw Kheyre ayaa sidoo kale wada abaabul ay doonayaan in Ra’isul Wasaare Kheyre lagu soo dhaweeyo marka uu kasoo degayo garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Muqdisho.

Qaar kamid ah hoteelada kuyaala magaalada Muqdisho iyo madaxtooyada Soomaaliya ayaa xiligan waxaa ka socda kulamo iska soo horjeeda oo looga arinsanayo xiisadan siyaasadeed ee soo korortay gaar ahaan xil ka tuurista Ra’isul Wasaare Kheyre.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaan wali war kasoo saarin xil ka qaadista la sheegay in lagu sameeyay , waxaan sidoo kale wali war ku aadan arintan aysan kasoo bixin Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo la rumeesan yahay in qorshahan gadaal ka riixayay.

Waxii Warar ah ee soo kordha kala soco Wararkayag dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -