Allbanaadir.com
NEWS

Xabaalo Wadareed lagu aasay Ciidamo sanado badan kahor la laayay oo la helay

Dowlada Sudan ayaa shaacisay in dhawaan la helay xabaalo wadareed cusub oo lagu aasay ciidamo katirsanaa milatariga dalkaasi oo la laayay sanado badan kahor, kadib markii lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen afgembi fashilmay.

War uu soo saaray xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Sudan ayaa lagu sheegay in la helay haraadiga meydadka 28-qof oo katirsanaa ciidamada milatariga dalkaasi oo la laayay sanadkii 1990-kii.

xabaalo wadareedka la helay ayaa warbaahinta Sudan ku warameysaa in ay ahaayeen meydadka saraakiil iyo ciidamo katirsanaa milatariga Sudan oo lagu tuhmay in ay qeyb ka ahaayeen afgembi fashilmay oo xilka looga tuuri rabay Madaxweyne Cumar Al bashiir.

Madaxweynaha dalka Sudan oo dhawaan xilka looga tuuray kacdoon shacab  ayaa wajahaya dacwado dhoor ah ay kamid yihiin afgambigii uu xilka kula wareegay iyo dambiyo kale oo dhacay intii uu xilka hayay, waxaana dhawaan lagu riday xukun xabsi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidanka dowladda iyo Al Shabaab oo ka dhacay Beer-Xaanno

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo howlgal culus fuliyey & Taliye Odowaa oo faahfaahin ka bixiyey

Caydiid Ali

Dowlada Sacuudiga oo isu diyaarinaysa iney qirato dilka Suxufiga Jamal Kashoqgi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---