Allbanaadir.com
NEWS

Shiinaha oo qaaday Talaabo Jawaab u ah Go’aan dhawaan kasoo baxay Mareykanka

Waxii sii xoogeesanaya xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka, waxaana labada dal qaadeen talaabooyin muujinaya heerka xun uu sii gaarayo xiriirkii ka dhaxeeyay.

Dowlada Mareykanka ayaa dhawaan soo saartay go’aan lagu xiray Qunsuliyad dowlada Shiinaha ku leedahay dalkaasi, waxaana talaabadaasi Mareykanka qaaday uga sii dartay xiisada siyaasadeed ee u dhaxeeya labadaasi dal.

Shiinaha ayaa dhankiisa jawaab deg deg ah ka bixiyay talaabada lagu xiray Qunsuliyada ay ku lahaayeen Mareykanka, waxa ayna dowlada Shiinaha dhankeeda amar ay soo saartay lagu xiray qunsuliyadda uu Mareykanku ku leeyahay magaalada Chengdu.

War kasoo baxay dowlada Shiinaha ayaa lagu sheegay in go’aankan lagu xiray Qunsuliyada Chenfdu kutaala uu yahay jawaab lagama maarmaan u ah tallaabada Mareykanku ku xiray qunsuliyadda Shiinaha ee ku taalay magaalada Houston.

Xiriirka labada dal ayaa sii xumaaday kadib markii dowlada Mareykanka ku eedeesay Shiinaha in uu faafiyay sidoo kale qariyay halista cudurka dadka badan dunida ku laayay ee Caronavirus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka qeyb galay Xuska Sheekh caan ah (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Khasaaraha ka dhashay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay ….

Cabdi Cade

Madaxweyne kuxigeen Caan ah oo xabsiga la dhigay iyo Dambiga loo heesto oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---